Ra’isal wasaare kheyre oo ka amba baxay Muqdisho kuna wajahan Mareykanka.

0

Muqdisho-Hornafrik-Ra’isalwasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa Fiidnimadan Caawa ah ka duulay Garoonka Muqdisho, Waxeyna ku sii Jeedaan Magaalada Wanshington ee Dalka Mareykanka.

Safarka Ra’isalwasaare Kheyre ee Mareykanka ayaa ku soo beegmata maalin kaddib markii uu ka soo laabtay Imaaraadka halkaas oo uu booqasho labo cesho ah ku joogay.

Safarka Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ee Mareykanka waxaa uu la xiriiraa shir ku saabsan dhaqaalaha Caalamka oo ka dhacaya dalkaasi Mareykanka.

Bishii la soo dhaafay ayuu shirkii dhaqaalaha Adduunka kaga qeybgalay Magaalada Davos,halkaas oo markii ugu horreysay Soomaaliya lagu casuumay in ay ka qeybgasho.

Shirka ka dhacaya Mareykanka waxaa soo qaban qaabiyay Bangiga Adduunka,waxaana uu soconayaa 5-7 Bishan March iyada oo uu Ra’isalwasaaraha ka qeybgelayo shirkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.