Burundi oo xaqiijisay in askar looga dilay Balcad.

0

Muqdisho-Hornafrik-Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Burundi waxa ay sheegtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM laga dilay Askartaasi xilli ay doonaayaan in ku socdaalaan wada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in dowladda Burundi ay aad uga naxday geeridda Askartaasi, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka waddaan Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale uu beeniyay in weerarkaasi looga dilay ku dhawaad 20 Askari.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin Gaadiid looga gubay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.