Shabaab oo dilay 9 Dameer oo raashin uwaday Gobolka Bakool

0

Waajid-HornafrikWararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalamayaal katirsan ururka al-Shabab ay dileen sagaal dameer oo ku socdaalayay meel ah u dhow magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa intaasi ku sii daray in Al-Shabab ay qabteen gaari dameerradan, kuwaas oo ay ku rarnaayeen  cunto loo wadey degmada Waajid, Waajid ayaa Sanado waxey Go’doon ugu Jrtaa Al-Shabaab.

Waxa ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba Nin oo kaxeynayay Gaari dameerada ay Shabaabku qabteen, Kuwaas oo aan la ogeyn xaaladooda waxa ay ku sugantahay.

Dadka magaalada Waajid ayaa soo sheegaya in Al-Shabaab ay sidoo kale gubeen raashinkii saarnaa oo iskugu jiraya bariis, sonkor iyo bur. Waxay sidoo kale Shabaab gubeen buudhigii ama gaarigii ay dammeeradu jiidayeen.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhow tuulada Ceelboon oo 15km dhinaca galbeed ka jirta magaalada Waajid.

Maamulka Waajid ayaan ka hadal arinkan, waxeyna ku soo aadeysaa iyadoo Shalay Bambaanooyin lagu weeraray Guriga Gudoomiyaha Waajid halkaas oo ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo uu ku jiray Gudoomiyaha Degmada, Waloow xaaladiisa ay wanaagsantahay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.