Qarax goordhaw ka dhacay Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

0

Muqdisho-Hornafrik-Qarax gaari ayaa ka dhacay barkoontarool oo ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka siinka dheer waxaana uu qaraxu yimid kadib markii gaari uu waday shaqsi isa soo miidaamiyay uu galay goob gaadiidka lagu baaro uuna is qarxiyay.

Mid kamid ah dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanka siinka dheer ee duleedka muqdisho ayaa warbaahinta  u sheegay sida uu qaraxa u dhacay waxaana uu sheegay in inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen Sadex qof oo labo shacab yihiin halka midka kale uu yahay askari ka tirsanciidanki ku sugnaa barta koontarool ee siinka dheer.

Qaraxani oo ah mid loo adeegsaday gaari ayaa waxaa uu imaanayaa xilli ay isa soo tarayaan digniinaha la bixinayo ee ku aadan in ay jiraan in ay jiraan qaraxyo lala damacsanyahay gudaha magaalada muqdisho oo ay ugu danbeysay shalay oo ay Qaramada midoobey iyo qaar kamid ah Safaaradaha ku yaala muqdisho ay soo saareen digniin dhanka Amniga ah.

Waxaana dhinaca kale war ay soo saareen Al-shabaab ku sheegteen in ay ka dambeeyeen qaraxa ka dhacay Siinka dheer waxaana ay sheegeen in ay ku dileen in kabadan 20 kamid ah askarta nabad sigida soomaaliya oo ku kulansanaa siinka dheer , mana jirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo dhimashada askartaasi xaqiijin karta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.