Baledweyne oo lagu qabtay Gaari siday walxaha qarxa iyo Raggii waday

0

Hornafrik-Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Ciidamada Amaanka ee ku sugan waxaa ay gacanta ku dhigeen Gaari siday walxaha Qarxa iyo raggi saarnaa oo sidoo kale watay hub.

Saraakiisha ciidamda dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in howlgal ay ka sameeyeen Xaafada Buundoweyn ay ku soo qabteen 13 Ruux oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab Gaari ay ka buuxaan Birihii qaraxyada laga sameynayay iyo Hub.

Abaaduulaha Ciidamada Xooga dalka qaybta Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan ayaa warbaahinta u  soo bandhigay 13 qof ee howlgalka lagu soo qabtay iyo Gaar ay ku raran yihiin Biraha laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo hubka,waxa uuna  Abaanduulaha sheegay in dadkaas baaritaan lagu sameyn doono.

Sarkaaalka u hadlay Ciidamada howlgalka maanta ka sameeyay magaalada Baledweyne ayaa intaas ku daray in magaalada iyo gobolka intiisa kale ay ka joogetyn doonaan Howlgallada ceynkaan ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.