Maxkamada Sare ee Kenya oo Go’aan ka Gaartay Xildhibaan laga Doortay Gaarisa.

0

Nairobi-Hornafrik-Dood muddo soo taagneed oo u dhaxeysay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macalim Maxamed, doodaas oo ku saabsaneed doorashadii ka dhacday Kenya ee sanadkii 2017 ayaa maanta go’aan waxaa ka gaaray Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Maxkamadda ayaa xukmisay kursgii Gaarisa ee ay ku muransanaayeen Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macallim Maxamed in uu ku guuleestay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Maxkamadda oo saaka u fariisatay go’aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaleysay Aadan Barre Ducaale iyada oo eedihii Faarax Macallin loo waayay caddeymo ku filan.

Laanta Maxkamadda sare ee Kenya u qaabilsan Milimani,ayaa go’aankan ku dhawaaqday daqiiqado ka hor,waxaana Aadan oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda uu yiiri: “waxaan u hambalyenayaa garsoorayaasha i difaacayay,waxaana sidoo kale u mahad celinayaa dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabeen,waxaan qirayaa in eedihii la igu soo oogay ay ahaayeen kuwo aan caddeyn heysan”.

Aadan waxaa uu u mahad celiyay  hoggaamiyaha Kooxda qareennada ee difaaceysay C/Naasir Cabdullahi iyo saaxiibada kale ee ka caawiyay in uu kursigiisa u xalaaloobay.

Faarax Macalim ayaa ilaa hadda ka soo muuqan Warbaahinta, balse Maxkamadda ayaa Faarax Macallin ku amartay in uu bixiyo 6Milyan oo lacagta Kenya ah taas oo Xildhibaan Aadan Barre uga baxday difaaca dacwadda kurisgiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.