Dagaal culus oo Shabaab iyo ciidamada Dowlada ku dhexmaray Gedo.

0

Baardheere-Hornafrik-waxaa ay faah faahino dheeraad ah ka soo baxayaan dagaal culus oo inta u dhaxeysa degaanka faax faaxdhuun iyo deegaanka Garileey oo ka tirsan Gobolka Gedo ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo garabsanay kuwa Kenya ee qeybta ka ah Amisom.

Dagaalka ayaa ka bilaawday deegaan lagu magacaabo Fax-Faxdhuun iyo sidoo kale gariley oo ku beegan duleedka degmada Baardheere, goob joogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yahay mid culus oo la isku adeegsaday  hubka culus iyo midka fudud.

Mas’uuliyiinta degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaalkaan uu daba joogo dagaal kale oo xalay ka dhacay deegaanka Gariley oo ku dhaw Fax-Faxdhuun kadib markii waddada loo galay Ciidamada Kenya.

Intii uu dagaalka socday waxaa dhaawac uu soo gaaray Gudoomiyaha deegaanka Faax faaxdhuun kaas oo la sheegay inuu dagalka hogaaminayay.

Sarakiisha ciidanka ee dagaalka hogamniya ayaa waxaa ay sheegeen in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

wali ma cadda inta uu la egyahay qasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Gedo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.