Amnigo Muqdisho oo kulamo isdaba joog ah looga hadlayo+Xog

0

Muqdisho-Hornafrik-kadib weerarkii jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho Waxaa si isdaba joog ah usocda kulamo looga hadlayo Amaanka Muqdisho.

Taliyaha dhawaan la magacaabay ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa la tilmaamayaa in la hoos geeyay ciidamada xasilinta oo ay isagu ka amarqaadan doonaan si loo xaqiijiyo Amaanka Caasimada.

Xasan Cali Kheyre Re’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa shirar hoose la yeeshay laamaha Amaanka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Amniga waxaana uu sheegay Kheyre in la dar dar gelinayo howlgalkii xasilinta ee waayahan gaabsi ku yimid.

Maxamed Abukar Islow Wasirka Amniga ayaa markale sheegay in aan magaalada lagu arki karin hubka culus.

Eng Craxmaan Cumar Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa shalay la kulmay saraakiisha Booliska iyo Nabad Sugidda iyo gudoomiyaasha Degmooyinka.

Sikastaba waxaa la tilmaamayaa in aad loo adkeynayo Amaanka Caasimada sidoo kale joogto loo qaban doono howlgallo baaritaano ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.