Baaritaano ay sameynayaan Ciidamada Amaanka oo xalay Muqdisho ka Biloowday.

0

Muqdisho-Hornafrik- Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka biloowday howlgallo baaritaano ah oo ay ciidamada Amaanka ka sameeynayaamn degmooyinka qaar ee Muqdisho kadib laamaha Amaanka oo shalay gelinkii danbe ku dhawaaqay.

degmooyin dhowr ah oo ay Yaaqshiid iyo Dharkenley kamid yihiin ayaa ay ciidamada Amaanka u baarayeen guri guri iyadoo sidoo kale wadooyinka ay joogeen ciidamo ka tiro badan kuwii loo bartay.

Dadka shacabka ah ku nool xaafadaha qaar ee xalay laga sameeyay howlgallada ayaa Hornafrik u sheegay in ciidamada intii ay howlgalka ku jireen gacanta ku dhigeen rag loogha shakisanyahay in ay xeriir laleeyihiin Al-shabaab.

laamaha Amaanka ayaa lagu wadaa in warbaahinta uga warbixiyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.