Magacaabista Ra’iisulwasaare Kheyre oo Sanad Ay Ka Soo Wareegatay

0

Muqdisho-Hornafrik- Waxaa maanta Ay sanad ka soo wareegatay markii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu re’iisulwasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre maanta oo kale  23-02-2017.

Mudada sanadka ah ee uu xafiiska joogo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa u qabsoomay waxyaabo badan oo Ay xukuumadiisu Ku faaneyso waloow Ay jiraan Dhaliilo loo jeediyo.

Gole wasiiro ayuu mudo kooban Ku soo dhisay kuwaas oo kalsooni ka helay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka Amniga ayay Xukuumada Kheyre oo half kudhig ka dhigatay  Nabad iyo Nolol waxaa Ay sanadki hore Ku dhawaaqday Qorshe loogu magacdaray Xasilinta Caasimada taas oo bilihi hore aad loogu guuleystay marki danbesa Caqabado la soo gudboonaadeen.

Isla xisaabtan ayaa uu tilmaamay Xasan Cali Kheyre inuu la sameeyo Xubnaha Golaha Wasiirada.

Mid kamid ahaa Golahiisa wasiirada ayaa muqdisho lagu dilay Allah u naxariistee , midna waa uu iscasilay halka qaar kalena xilalki uu ka qaaday.

Waxaa aad loogu amaanaa in mudada sanadka ah ee ay wada shaqeynayaan Xasan Cali kheyre iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo aysan ka muuqan khilaaf u dhaxeeya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku eedeya Re’iisulwasaaraha inuusan la imaan waxqabadkii looga baahnaa ayna jiraan dhaliilo badan oo uu leeyahay.

Sikastaba Kheyre ayaa ku sanad jirsaday xafiiska , waxaana wali horyaala kasbashada Golaha Shacabka , iyo Siyaasiyiinta kale ee dhaliilsan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.