Deg Deg Qaraxyo is xig xigay oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Cabsi jirta.

0

Abaaro 06:30 Maqribki xiliga Muqdisho ayaa mar qura waxaa xaalad cabsi dhanka Amaanka ahi ka bilaaway Agagaarka Madaxtooyada Somalia gaar ahaan wadada sayidka ilaa Hoteel Juba.

labo qarax ayaa dhacday inkasta oo aan wali la heyn faah faahin dhameystiran hadana qaraxa hore ayaa sida la tilmaamayo  ka dhacay dhanka  Wasaarada Amniga agagaarka Hotel juba Ama Km 0 una dhaw halka halka qarax labaad uu goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn hotelka SYL ee magaalada muqdisho.

xaalada ayaa ah mid kacsan iyada oo la maqlayo rasaas dhaceysa balse aan la ogeyn Cida rideysa iyo in ay jirto meel ay Dagalamayaal shabaab ah galeen.

ciidam militari ah ayaa dhamaan wadadooyinka soo gala madaxtooyada buux dhaafiyay iyadoo oo ay jirto Cabsi xoogan.

dhamaan xaladahan ayaa imaanaya iyadoo maalinti shalay ahayd uu wasiirka Amniga sheegay in Magalada Muqdisho uu ku iro gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.