Dagaal Culus oo Ciidamada Ethopia Iyo Al-Shabaab Ku Dhex Maray Baardheere.

0

Muqdisho-Hornafrik=Wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaay in degmadaas ay ku dagaalameen Ciidamo Itoobiyaan ah  iyo Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Baardheere Gaar ahaan Agagaarka Garoonka Diyaaradaha.

Dagaalkan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Dad ku sugan degmada Baardheer ee Gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaay midkii ugu cuslay ee Degmadaasi ka dhaca mudooyinkii danbe, waxaa sidoo kala dadka deegaanka ay noo xaqiijiyeen in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare kala duwan laakiin ay hubin inta uu la egyahay khasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.