Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo Maanta U Dabaal Degaya 48-sano Guurada Marki la Aas Aasay.

0

Muqdisho-Hornafrik= Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka socda Fantasyaha iyo Dabaal Degga Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ay maanta ku beegantahay 48-sano kadib marki la aas aasay Ciidanka.

Taliyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Ciidanka Asluubta Gen.Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa waxaa uu hanbalyo u diray ciidanka asluubta dhamaan iyo qoysaskooda.

Bartiisa Facebook Ayu Taliyuhi Sidan Ku So qoray:-

Waxaan Hambalyo u dirayaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagi doono xuska 48-Sano guuradii ka soo wareegatay Markii la aas-aasay oo ku beegneyd 22 Feb 1970.

Waxaa sharaf weyn ii ah in mar Labaad Madaxda sare ee dalka ay ii garteen in aan Hoggaamiyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Alle waxaan weydiisanayaa inuu ila garab galo gudashada Masuuliyada culus ee la ii dhiibay, Bulshadeydana waxaan leeyahay

’’Haddii aan iskaashano meel wanaagsan ayaan hiigsan karnaa’’

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.