Sawiro-Taliyaha Cusub ee NISA oo xilka Si Rasmi ah ula Wareegay.

0

Muqdisho-Horafrik=Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro ayaa goobjoog ahaa halka  xafladda xil wareejinta ay ka dhaceysay.

Taliyaha Cusub ee Nisa Xuseen Cismaan Xuseen ayaa xilka kala wareegay C/qaadir Maxamed Nuur oo ah ku xigeenka taliyaha mudada uu xafiiska taliyaha banaanaana kusime ka ahaa.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiinta kale ee goob-jooga ahaa  ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee  inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.

dhankiisa taliyaha cusub ayaa balanqaaday inuu halkeeda kasii wadayo shaqada isagoo tilmaamay inuu dedaal badan gelin doono siduu u hormarin lahaa Shaqada Hey’ada u heyso Qaranka.

Maalin kahor ayay ahayd markii golaha wasiirada ee xukuumada Somalia ay Xuseen Cismaan Xuseen u Magacaabeen Taliyaha NISA.

Daawo Sawirada Xilwareejinta:-

Img 20180221 Wa0022
Img 20180221 Wa0022
Img 20180221 Wa0023
Img 20180221 Wa0023
Img 20180221 Wa0024
Img 20180221 Wa0024r
Img 20180221 Wa0025
Img 20180221 Wa0025o
Img 20180221 Wa0028
Img 20180221 Wa0028

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.