Reysulwasaare Kheyre oo la Kulmay dadkii laga soo celiyay Libya.

0

Muqdisho-Hornafrik= Xasan Cali Kheyre Reysulwasaaraha Xukuumada Somalia Ayaa Hoygiisa magaalada Muqdisho ku Qaabilay dadkii ay dowlada Somalia ka soo celisay dalka libya ee ay maxbuus ku ahaayeen.

Waxaa uu la qaatay kulan uu ku xog wareystay dadkaasi oo ay dhalinyaro ku jiraan oo qaarkood dhibaato ka soo gaartay intii ay ku sugnaayeen Dalka Libya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ugu horayn muwaadiniintan Ku soo dhawayay dalkooda hooyo. Waxuuna u balan qaaday in uu xalindoono waxkasta oo ay ka cabanayaan, isagoona sheegay in uu horay u sameeyay guddi ka shaqayndoono xaladda dadka ka soo laabanaya dalka Liibiya, si loogu abuuro fursado Shaqo, Waxbarasho iyo kuwo Caafimaad.

“Waxaan qorshaynay in aan qayb qayb usoo qaadno dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed ee joogo Liibiya iyo guud ahaan dalka dibadiisa. Waxaana farxad wayn noo ah in aan aragno shacabkeena oo dib ugu soo laabanaya dalkooda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyaradda Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan dalkooda, iskana dhaafaan tahriibka wadamada shisheye. Isagoona cadeeyay in aysan jirin meel u dhaanta dalkooda Soomaaliya.

 Maalmo kahor ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho Laga soo Dejiyay Qaar kamid ahaa maxaabista Soomaaliyeed ee Dalka Libya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.