Kulan Guddiyada Joogtada Golaha shacabka ay yeesheen ayaa waxaa uu u xil saaray Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaasoo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir, kana dhageystay cabashadooda.

War saxaafadeed Guddiga soo saaray oo ka koobnaa shan qodob ayaa ugu horeyn waxaa sharci darro lagu tilmaamay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda ee ah Canshuurta Iibka 5%, isla markaana la dhaqan gelin karin.

Sidoo kale Guddiga ayaa wasaaradda ka dalbaday inay horkeento Baarlamaanka shuruucda canshuurta oo tifaftiran 30 bisha April, waxaa kaloo labada Guddi ku wargeliyeen Wasaaradda Maaliyadda in canshuur aanay soo marin Baarlamanka aysan ahayn ansax.

Halkaaan ma arag.

Received 1067768793387887

Received 1067774610053972