Suuqa bakaaraha oo Saakay xeran maalinti Labaad + xagee wax ka qaldanyihiin?

0

Muqdisho-Hornafrik= Saakay waxaa maalinti labaad xeran suuqa weyn ee bakaaro oo ganacsatadu gadood canshuurta Iibka ah ay diidanyihiin awgeed ah u xereeen maalinti shalay ahayd.

Canshuurta iibka waa canshuur loogu talo galay in laga qaado iibka badeecooyinka marka laga reebo raashiinka , waxaana wasaarada maaliyada ay dooneysaa in canshuurta la qaado xiliga ay ganacsatadu vadeecada ka qaadanayaan dekada Muqisho taasi oo keentay in maalmo aaney dekadu shaqeyn shalay iyo saakayna xernaado suuqa weyn ee bakaaro.

 

Halka ay ciladu ama caqabadu ka jirto ayaa la warinayaa in ay tahay Ganacsatadu oon dooneyn in ay canshuurra iibka ahi bixiyaan kadib iibinta badeecooyinka halka wasaarada maaliyada rabto in lagu qaado dekada.

Sikasta waxaa laga war dhowrayaa halka ay ku soo afmeermi doonto xernaanshiyaha suuqa weyn ee bakaaro.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.