Qarax miino oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

0

Shabeelaha Hoose-Hornafrik=wararka Horafrik ka soo gaaraya gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in gaari xamuul ah oo siday bal ay qabsatay Miino ku aasneyd wado uu marayay.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay inta udhaxeysa degaanada Bunqabad iyo Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga waxaana ku dhaawac may sadex qof oo shacab ah.

Saddexda qof ee dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxa ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Baraawe, sida lagu soo waramayana waxaana u soo gurmaday ciidamada AMISOM oo dhaawacyada halkaasi ka qaaday.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.