Muruq Maalka Suuqa Bakaraha oo Madaxweyne Farmaajo Baaq u diray.

0

Muqdisho-Hornafrik=Dhaq dhaqaayada ganacsi ee guud ahaan dalka ka sukow tujaarta hantiilayaasha ahi waxaa ka macaasha oo ku hoos nool , dad badan oo nolosha ku dabara lacago ay ku muteystaan muruqooda.

Xernaanshiyaha maanta ee suuqa weyn ee bakaaraha ayaa saameeyay dhamaan muruqmaalkii ka xaamalan jiray bakaaro , kuwaas oo maanta shaqi la’aani ku heyso gudaha suuqa oo haawanaya iyo meelo kale oo muqdisho kamid ah.

Marka aad la kulanto waxaa ay kuu sheegayaan in ay aad uga xunyihiin sida maanta xaalku yahay ayna heyn meel ay u raadiyaan Wax ay ku dabaraan nolosha maanta iyo caawa.

Waxaa ay isugu jiraan rag iyo dumar xaafadaha uga soo tagay caruur iyo waayeel oo iyaga un fiirsanaya .

Qaarkood  inoo waramay ka dalbadaeen madaxweynaha somalia inuu si deg deg ah wax uga qabto Hakadka ku jira ganacsiga uuqa weyn ee bakaaraha uuna yahay halka ay noloshooda ku maareeyaan iyaga oo badan.

Dhinaca kale waxaa hada lagu wadaa in kulan looga hadlayo sidii dib logu furi lahaa suuqa bakaaraha ayyeelanayaan gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho eng craxmaan cumar cismaan yariisow iyo ganacsatada gobolka banaadir.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.