Qadar oo 30-gaadiidka Booliska ah kuwareejisay Dowlada Somalia.

0

Muqdisho-Hornafrik=Dowladda Qadar ayaa 30 Gaadiidka Booliska ah ku wareejisay Dowladda Soomaaliya kaddib munaasibad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Munaasibadda Gaadiidka lagu guddoonsiinayay dowladda Soomaaliya waxaa ku sugnaa wakiillo ka socday Dowladda Qadar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah waxaa deeqda Gaadiidka Booliska ah oo gaareysay 30 Gaadiid ah u guddoomay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw Ducaale oo dowladda Qadar uga mahad celiyay kaalinteeda ku aaddan amniga Soomaaliya.

Dowladda Qadar waxaa ma talayay Danjiraha Dalkaas ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza,,isaga oo isna munaasibadda ka sheegay in Gaadiidkan ay dowladda Qadar ugu deeqday Booliska Soomaaliyeed.

Wasiir Islow ayaa sheegay in Gaadiidkan tabarrucaaddiisa ay ka dhalatay booqasho uu dhawaan ku tagay Dalkaas islamarkaana uu kula kulmay Ra’isalwasaaraha Dalka Qadar,isaga oo dowladda iyo shacabka Qadar uga mahad celiyay Gaadiidka ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.