Eng Yariisow oo Daah furay kulamo looga hadlayo Doorashooyinka

0

Muqdisho-Horafrik=Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daahfuray kulammada wadatashiyada dadweynaha ee geeddi socodka Doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka 2020ka.

Kullammadaaan oo ku saabsan uruurinta tallooyinka iyo caqabadaha ku xeeran doorashooyinka dalka ayuu ku tilmaamay Guddoomiye Yariisow mid fursad wanaagsan u ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay qeyb uga noqon lahaayeen go’aan ka gaarista mustaqbalka dalkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay ka go’antahay muujinta kaalinta iyo maqaamka ay leeyihiin shacabka Gobolka, iyadoona la xaqiijinayo danta guud iyo dib u kabashada dalka.

“Bulshada gobolka Benaadir waxa ay u bisil yihiin sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen doorasho qof iyo cod ah oo ka hirgasho dalka, arrinkaas oo muhiimad weyn u leh muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, balse waa in doorashada ka hor fursad ay u helaan bulshadu sidii ay uga talo dhiiban lahaayeen.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka dalka Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa ku bogaadisay bulshada Benaadir sida wadaniyadda leh ee ay uga talo dhiibtaan arrimaha masiiriga ah iyadoona sheegtay in kaalin muhiim ah ay ku leeyihiin qabsoomidda doorashada “qof iyo cod” sanadka 2020.

Waa markii ugu horeysay ee tan iyo markii xilka loo magacaabay Eng Yariisow uu ka furay Muqdisho Shir looga hadlayo wadatashiyo la xeriira sida bulshada gobolka Banaadir uga qeyb qaadan karto Doorashooyinka dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.