Deg-Deg Masuul ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo caawa Dhuusa-Mareeb Lagu Xeray.

0

Muqdisho-Hornafrik=Waraka  caawa  xafiiska wararka Horafrik Muqdisho ka heleyo magaalada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamada maamulki ahlu-suna ee ku biiray galmudug ku xereen maxamuud cismaan beereey oo ah Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada galmudug .

Xariga  Agaasimaha warfaafinta  Madaxtooyada galmudug maxamuud cismaan beerteey ayaa sida la sheegay salka ku haya kadib markuu shirjaraaid ku aqriyay  wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale Geele Xaaf taas oo ku aadaneyn amaro laga soo saaray dhulalka ku yaala deegaano ka tirsan Galmudug.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan maamulki ahlu suna ayaa la tilmamay in loo diray maxamuud cismaan beereey kuwaas oo caawa ka qabtay goob maqaaxi ah oo uu ku sugnaa una ka xeeyay xabsiga.

Ma jirto cid katirsan maamulka galmudug amaba saraakishi ahlu-suna ee ku biiray galmudug oo ka hadlay xariga loo geystay agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada maamulkaasi.

Inta badan magaalada dhuuso ee gobolka Galgaduud ayaa ay Maamulki  ahlu-suna ee dhawaan ku biiray galmudug xarig ugu geystaan dadka ka soo horjeeda siyaasadooda amaba baahiya warar aysan raali ka ahayn , waxaana heshiiska labada dhinac kadib wali magaalada ka jira falalki lagu yaqiinay ahlu-suna.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.