Shirka Nabadda Ee Munich Oo Furmi Doono Maanta

0

Shirka sanadlaha ah ee looga hadlo ammaanka ayaa maanta gelinka dambe ka furmi doona magaalada Munich ee waddanka Jarmalka waana shirka ugu ballaaran ee noociisa dunida ka dhaco.

Hogaamiyayaal wasiir heer sare ah iyo dadka siyaasadaha dajiyo ayaa waxa ay isla qaadaa dhigi doonaan dhibaatada ka taagan waddanka Suuriya heerka xiriirka Gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka iyo weliba ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Shirkan caalamiga ah ee ammaanka looga hadlo ayaa la qabanayay tan iyo bartamahii 60 dameeyadii shirkan ayaanan fursad un u aheyn in bayaanno laga soo saaro iyo khudbado laga jeedo balse waxaa lagu dhinac qabtaa shirar kale oo kala duwan oo heer sare ah.

Waxa uu noqday shir looga hadlo xiriirka wadammada NATO taas oo uu qalqal haystay tan iyo markii uu Donald Trump la wareegay hoggaanka Aqalka Cad.

Waxaa shirka ku sugan wafdi heer sare ah oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimahada Gaashaandhigga ee Mareykanka James Mattis iyo Lataliyaha dhanka Ammaanka ee madaxweyne Trump oo ay wehliyaan xubno sarsare oo ka tirsan Aqalka Senate ka waddankaasi.

Dhanka kale iyadoo halis weyn ay uga imanayso soo laba kaclaynta Ruushka ayaa haddana Gaashaanbuurta NATO aanay xaaladeedu sahlanayn maalmihii ugu dambeeyay.

Dhibaatada ka aloosan waddanka Suuriya ayaa waxa ay iska horkeentay danaha Turkiga iyo kuwa Washington halka ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ay suaalo ka imanayaan qaabka ay ku kala baxayaan labada dhinac iyo weliba gunta hadalka Raiisul Wasaaraha Britain Theresa May ay doonayso inay ku soo bandhigto khudbadda ay shirka ka jeedin doonto

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.