Rag Shabaab Ah Oo Iska Dhiibay Dagmadda Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo

0

Masuuliyiinta gobalka Gedo ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalamayaal Shabaab ah oo iska dhiibay degmada Baardheere ee gobalka gedo.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in degmada Baardheere uu iska dhiibay xubin ka tirsaneyd Shabaab sidoo kale wuxuu sheegay 14 kii bishan Beladxaawo uu iska dhiibay Dagaalame kale oo katirsan Shabaab.

Wuxuu sheegay ninka iska dhiibay degmada Baardheere inuu yahay nin Sarkaal ah uuna watay Qori AK 47 ah Afar Bastooladood iyo Telefoono ay lahaayeen Ciidamadii uu hoggaaminayay maadaama xilligaasi ay isku diyaarinayeen Howlgal oo raggii la socday uu ka uruuriyay Telefoonadooda.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.