Ciidanka Pooliska Kenya Oo Sheegay Ineey Dileen Ciidan Katirsan Alshabaab

0

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay heleen meydadka 3 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo la tilmaamay inay ku dhinteen weerar ay kuqaadeen saldhig booliska ay ku leeyihiin gobolka Wajir ee waqooyi bari dalkaasi.

Taliyaha booliska gobolka Wajir Stephen Ngetich ayaa sheegay in 3daas dagaalame ay ku dhinteen dagaal socday laba saacadood oo u dhaxeeyay Alshabab iyo ciidamada Kenya oo ka dhacay saldhiga booliska ee Kutulo.

Taliyaha ayaa xusay in dagaalamayaal kale oo Alshabab ah ay u baxsadeen dhinaca Keymaha.

Taliye Stephen Ngetich ayaa tilmaamay inay isku baahiyeen dhinaca iyo xuduuda Kenya iyo Soomaliya si loo dabagalo kooxdii kale ee ka baxsatay weerarkaasi.

 

Booliska ayaa sheegay in ay bilihii lasoo dhaafay ay la daala dhacayeen weeraro Alshabab uga imaanaya dhinaxa xadka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.