Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday eedeysanayaasha loo heystay Qaraxii Zoobe

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday eedeysanayaasha loo heystay Qaraxii Zoobe ee boqolaalka qof ay ku dhinteen 14-kii October ee sanadkii 2017.

Dhageysiga kiiska loo heystay ragga eedeysanayaasha oo muddooyinkii u dambeeyay waday Maxkamadda ayaa la soo gabagabeeyay.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay Xasan Aadan Isaaq Cali, kaasoo ahaa ninkii waday gaariga labaad ee ciidamada amniga ku qabteen degmada Wadajir, ka hor inta uusan qarxin.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi daa’in isagoo maqan ku xukuntay C/llaahi Ibraahim Absuge

C/wali Axmed Diiriye oo isna loo heystay inuu damiintay gaariga weynaa ee ku qarxay Isgoyska Zoobe waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa fasaxday eedeysanayaasha kala ah Mukhtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Soomaaliya ayaa waxaa ku naf waayay dad ka badan 400 oo ruux, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.