Dagaal ku dhex maray deegaanka Qalimow ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab

0

Wararka ka imanaya deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goor dhow uu kabilowday dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu si xoog leh uga bilowday bartamaha deegaanka Qalimow oo 25km dhanka Koofureed ka xiga degmada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka hase yeeshee dad ku sugan deegaanka Qalimow ayaa sheegay in dagaal xoog leh uu halkaa ka soconaya dadkuna aysan ka soo bixi karin guryahooda.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hal askari uu ku dhintey iskahorimaadkan halka ay haweeney rayid ah ay ku dhaawacantay, balse deegaanka Qalimow ayaa waxaa haatan gacanta ku haya ciidamada dowlada.

Deegaanka Qalimow ayaa waxaa ku sugan ciidamo Milatari ah iyadoo deegaanka Garsaale oo 5km u jira ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.