Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wareegtadii labaad ku joojiyay dhismaha dhul ku dhow Dekeda Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa wareegto uu soo saaray ku joojiyay dhul ka soo horjeeda Dekeda Muqdisho.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka bilowda la joojiyay dhismaha ka socday dhulkaas ka soo horjeeda Dekeda Muqdisho.

Dhulkan ayaa la sheegay in dhowaan ay lamiyeeri ku wareejisteen dad ka yimid dibadda oo sheegtay milkiyada dhulkaas inay leeyihiin, hase ahaatee maamulkii hore Taabit uu hoggaaminayay ay ku gacan seyreen markii warqad lahaansho ay u soo bandhigteen, waxaana markii dambe fasaxa ay dhulkaas ku wareejisteen ka qaateen mid ka mid Golaha Wasiirada.

Waa wareegtadii labaad uu soo saaro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow, tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana todobaadkii hore uu soo saaray wareegto lagu joojiyay dhismaha dhul ku yaalla degmada Xamar Jajab oo uu bixiyau Maamulkii uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.