Dowladda Federaalka Ah Oo Shirkad Ajnabi Ah Iyo Injineero Geysay Dekadda Hobyo

0

Dowladda federaalka ah ayaa saaka wafdi wasiirro, xildhibaan iyo ajaanib isugu jira u dirtay dekadda Hobyo ee Galmudug si loo qiimeeyo.

Wasiiru dowladaha howlaha guud ee federaalka Axmed Cabdi Kaariye  oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay gaareen goobta, ujeedka safarkana uu yahay dhismaha dekadda Hobyo, isaga oo intaasi raaciyay in ay la socdaan shirkado iyo Injineerro shiinees ah oo qiimeyn guud iyo cabir ku sameynaya dekadda Hobyo.

Wafdiga waxaa ka mid ah, Wasiir ku-xigeenka wasaarada dakadaha federaalka ah, wasiirka dekadaha Galmudug, Sentar Abdi Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale oo gobolka u dhashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ayaa Jan 23, 2018, waxaa uu dhagax-dhigay dekadda Hobyo, tillaabadana maanta waa dar-dar-gelinta howsha iyo dhismaha dekadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.