Sawirro:- Shiinaha oo dib usoo celinaya Nalalka Samaan-faraha ee Wadooyinka Muqdisho.

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha oo soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen ka qeyb qaadashada bilicda Caasimadda.

Waxa ay kulankooda ku falanqeeyeen sidii Xukuumadda Bijiin ay kaga qeyb qaadan laheyd dadaalada dib loogu soo celinayo Adeegyada Bulshada sida Nalalka Samaan-faraha ee Gawaarida kala haga iyo Bulaacadaha biyaha qaada.

Gudoomiye Yariisow ayaa kulankooda kadib bartiisa kusoo qoray “Kulanka aan maanta la qaatay wafdiga ka socday Dawladda Shiinaha oo kamid ahaayeen shiriikadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan isla soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro iyo xal u helidda bullaacadaha”.

Duqa Muqdisho ayaa ku guda jira kulamada uu la qaadanayo Wufuudda Caasimadda Soo gaareysa iyo Safiirada matala dalalka kala duwan ee ku shaqeeya Magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha ugu badan ay kawada hadlaan ayaa ah sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Maamulkiisa Curdinka ee dhawaan talada Gobolka Banaadir la wareegay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.