Al-Shabaab oo weeraray mid ka mid ah saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin Sh/Hoose

0

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen saldhig ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin duleedka Qoryooley.

Sida ay sheegayaan wararka dagaal muddo saacad ku dhow socday ayaa Ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Shabaab ku dhex maray Tuulada Dal-biyaango.

Dagaalka ayaa xoogiisa laga maqlayay gudaha Qoryooley, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana hugunka madaafiicda la is weydaarsanayay ay qalqal iyo cabsi ku abuurtay dadka reer Qoryooley.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa saaka baahisay inay la wareegeen bar koontarool oo ciidamada dowladda ku lahaayeen tuulada Dal-biyaango, isla markaana muddo saacad ah ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Shabaabka.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ku soo qaadeen Shabaabka, hase ahaatee waa iska caabiyeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.