Al-shabab oo sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ku dhacday duleedka Kismayo

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ku dhacday duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Diyaaradda ayaa ku dhacday Degaanka Beerxaani oo 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland.

Al-shabaab,waxaa ay sheegeen in diyaaraddan ay leedahay Dowladda Mareykanka,iyada oo todobaadkii horena sidan oo kale ay diyaarad aan duuliye lahayn ku dhacday degaankaas.

Inta badan Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya waxaa ku dhaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,kuwaas oo ay leedahay Dowladda Mareykanka.

Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya ayaa sare u kacay Sanadkii la soo dhaafay iyada oo 34 weerar Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya sanadkii na dhaafay ee 2017.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.