Xildhibaan Axmed Taajir Oo Ka Tirsan Jubbaland Oo Xabsiga La Dhigay

0

Xildhibaan Axmad Taajir oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu xiray Saldhiga FIAT ee Kismaayo.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in Xildhibaanka uu horay u gudbiyay mooshin ka dhan Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka ugu gudbiyay guddoonka baarlamaanka, lana aqbalay, iyada oo intaasi kadib is-arag dhex-maray madaxweynaha iyo guddoomiya la sheegay in kiiskiisa loo wareejiyay guddiga anshaxa, fadhi kadibna ay ka qaadeen xasaanaddii iyo xubinnimadii golaha.

Muuqaal uu soo dhigay boggiisa Facebook, Xildhibaan Axmed Taajir, waxaa uu sharci-darro ku tilmaamay xasaanadda laga qaaday iyo xubinnimada, isaga oo sheegay in uu weli yahay Xildhibaan Jubbaland.

Waa Xildhibaankii 3aad oo xasaanadda lagala laabto maamulka Axmed Madoobe, kuligood waxaa ay ahaayeen mucaarad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.