Muxuu ku saabsan yahay shirka maanta ka furmay Muqdisho?

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir ay ka qeybgelayaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa Beesha Caalamka ee jooga SOomaaliya.

Shirkan ayaa ku saabsan waxyeellada ka dhalatay abaartii ku dhufatay Soomaaliya iyo u ka hortagga kuwo kale oo iman kara.

Waxaa ka qeybgelaya Ra’salwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khyere,Wasiirka qorsheynta,Wakiillo ka socda owlad Goboleedyada,Qaramada Midoobey,Midowga Yurub iyo Hay’adaha xuquuqda aadanaha ka shaqeeya ee jooga SOomaaliya.

SHirkan sidoo kale waxaa lagu soo bandhigayaa sahan ay sameeyeen hay’adaha iyo dowladda Soomaaliya,kaas oo laga sameeyay 18 qeybood oo ka mid ah Soomaaliya.

Waxyaabaha la soo ogaaday waxaa ka mid ah in abaarta saameyn taban ku yeelatay dad iyo Duunyo sidoo kalena bururtay hanti badan.

Shirka maanta waxaa shir guddoominaya Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo xubnaha ka socda Beesha Caalamka,iyada oo la filayo in laga soo saaro war murtiyeed la xiriira sahankii guud ee abaaraha laga sameeyay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.