Dowladda Kenya oo damisay TV-yada Citizen iyo NTV

0

 

Dowladda Kenya ayaa hawada ka saartay qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya gaar ahaan Warbaahinta la iska arko iyada oo Magaalada Nairobi iyo Gobolka Xeebta ah ay ka socdaan mudahaardyo lagu taageerayo Hoggaamiyaha Mucaaridka Raila Odinga oo maanta isu dhaarinaya Madaxweynaha Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Jimcihii isugu yeertay Madaxda Warbaahinta waxaana ay ku hanjabtay in ay hawada ka saari doonto warbaahintii tabisa munaasibadda dhaarinta Raila oo ay dowladda diidday.

Warbixin wadajir ah oo ay soo saareen Tafaftirayaasha warbaahinta Kenya ayey ku diideen hanjabaadda dowladda,waxaana ay sheegeen in warbaabinta ay dhex dhexaad ka tahay siyaasadda dalka,sidaas darteedna tabinayaan wixii warar ah ee dalka ka jira oo ay bulshada u baahanyihiin.

Agaasimaha guud ee Royal Media Servise, oo uu ka tirsan yahay TV-ga Citizen  ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hawada ka saartay TV-gooda iyo midka kale ee NTV la yiraa.

Majirto ilaa hadda hadal dhinaca dowladda ka soo baxay oo aan ka ahayn hanjabaaddii jimcaha ee warbaahinta madaxdooda iyo Uhuru Kenyatta dhexmartay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.