Kenya oo sheegtay in ay heyso liiska 35 xubnood oo Al-shabab uga shaqeeya Mandheera

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku heyso liiska 35 Qof oo Al-shabaab u qaabilsan fulinta weerarrada ka dhanka ah xarumaha dowladda iyo Ciidamada amaanka Kenya.

Isku duwaha Amniga Gobolka Waqooyi Bari Kenya Maxamuud Saalax oo ka hadlayay shir Amaanka degaanka la xiriira oo la isugu yeeray hoggaamiyayaasha gobollada Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ay hayaan 35 Qof oo Reer Mandheera ah,kuwaas oo Al-shabaab kala shaqeeya weerarrada ay ka fuliyaan Gobolka.

Waxaa uu xusay in Raggaan ay maalinkii u shaqo tagaan gudaha Soomaaliya Habeenkiiina ku hoydaan Mandheera iyaga oo la jooga qoysaskooda,waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamad amaanka ay si gaar ah isha ugu hayaan dadkaas.

Odayaasha degaannada kala duwan ee ay ka soo jeedaan 35ka Qof ayuu sheegay in marka hore ay muhiim tahay in ay Cambaareeyaan waxa loogu yeero Argagixisada,waxaana uu intaas ku daray in Hay’adaha amaanka aysan waxbadan qarash ku bixin doonin kulamo amni oo joogto ah.

Odayaasha degaanka ayuu ugu baaqay in ay dhallinyaradooda ka waaniyaan ku biirista Al-shabaab,sidoo kalena ay qofkii ka madax adeyga ku wargeliyaan hay’adaha amaanka oo uu sheegay in ay wax ka qabanayaan.

Maxamuud Saalax ayaa sheegay in 35 Qof qaar ka mid ah ay Madax kayihiin Al-shabaab,sanadkiiba marna booqdaan qoysaskooda deggan Mandheera,sidoo kale waxaa uu sheegay in ay garanayaan Qoysaska Raggan,Xaasaskooda iyo Carruurta u deggan Magaalada Mandheera.

Saalax,waxaa uu sheegay in 90% gobolka Mandheera uu amaanyahay marka laga reebo Waddada isku xirta Katuulo iyo Carabiya,halkaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay ka fuliyaan weerarro joogto ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.