C/llaahi Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle oo isku soo haray wareega labaad ee doorashada kursiga Xildhibaannimo

0

Waxaa goor dhow soo dhamaatay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Golaha shacabka, kaasoo ay ka socoto magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareega koowaad ku hoggaaminaya 24 cod, halka Musharax kale ee loolanka uu kala kulmayo Nuur Iidow Beyle uu helay 23 cod, sidoo kale waxaa Hal cod helay Cali C/llaahi Cosoble, waxaana xumaatay saddex cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliima Yarey ayaa ku dhawaaqday natiijada wareega koowaad ee cododka doorashada kursiga Beesha Cali Madaxweyne, waxaana ay sheegtay in loo gudbayo wareega labaad, si loogu kala baxo.

Natiijada horudhaca ee cododka ay heleen saddexda musharax ayaa ka dhigeysa mid aan wali soo afjarmin, isla markaana aan wali Musharaxna helin saddex meelood labo meel cododka 51 Ergo ee doorashada.

Wareega labaad ayaa waxaa isku soo haray C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle, waxaana doorashada wareega loo gudbi doonaa goor dhow.

Mr Sanbaloolshe oo dadaal ugu jira in mar kale uu ku guuleysto Kursigan Xildhibaannimo  sanadkii 2016, hase ahaatee waxaa uu loolan kala kulamayaa Nuur Iidow Beyle oo horay kursigan ugu fadhiyay Baarlamaankii 9aad.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay taageersan tahay mid ka mid ah Musharaxiinta ku loolamaya kursigan Xildhibaannimo oo si aad ah isha loogu haayo.

Musharaxiintan ayaa mar kale geli doona olole xooggan, iyadoo aanay ka marneyd dhaqaalaha lagu bixinayo codka, waxaana warar laga helayo Jowhar ay sheegayaan in halkii cod uu gaaray lacag gaareysa $10,000

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.