Nabad Suggida oo sii daysay Kamaal Guutaale & Sayid Cali

0

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa goor dhaw waxa ay sii daayeen Siyaasiga Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle oo labadaba ka wada tirsan Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Labadan Shaqsi ayaa laga xiray Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada ammaanka ay galeen oo ay kala baxeen Hotelkaasi.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa xaqiijiyay in ciidamada NISA ay sii daayeen labadan Siyaasi ee kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale Iyo Xoghayaha Xibsigaasi.

Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ciidamada ammaanka ay xiraan shaqsiyaadkaan iyo sababta haddana keentay in horay laga sii daayo.

Xariga loo gaystay Shaqsiyaadkaan ayaa wuxuu noqonaya tallaabo kale oo dowladda ay ku dhaqaaqday, ayna ku dhibaateysay Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir oo horay Siyaasigoodii ugu waynaa C/raxmaan C/Shakuur gurigiisa lagu weeraray.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.