Ciidamada Amniga oo goor dhow xiray Kamaal Gutaale iyo Sayidcali

0

 

Ciidamada Amniga ayaa goor dhow xiray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Sayidcali Macalin Cabdulle.

Labada Mas’uul ayaa laga xiray Hotelka Maka Al-mukarama oo ay ku sugnaayeen, waxaana watay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida.

C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Ciidan ka tirsan NISA ay xabsiga dhigeen Kamaal Gutaale iyo Sayidcali Macalin Cabdulle.

Lama oga sababaha loo xiray, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa inay daba socoto xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo 17-kii December ee sanadkii hore, markii Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ay ku weerareen gurigiisa.

Xisbiga Wadajir ayaa dhowaan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ka dacweeyay Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo labo Sarkaal oo kale, iyagoo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.