Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Oo Kulan Laqaatay Haweeneeda Dalka Norway Ka Ah Raiisal Wasaaraha

0

Raiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Davos ee Dalka Switzerland kula kulmay dhigiisa Raiisal Wasaaraha Norway Erna Solberg.

Kulanka labada dhinac oo qaatay daqiiqado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo labada dal quseeya oo ay ka mid ahaayeen sii xoojinta xiriirka labada Dal u dhaxeeya iyo sidii Norway u sii kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Raiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo heysta dhalashada Norway ayaa ka mahadceliyay taageerada ay Norway siiso Soomaaliya wuxuuna tilmaamay Norway in ay ka mid tahay Dalalka sida aadka ah horumarka ula jecel Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Dalalka yar ee ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka Magaalada Davos waxaana ku matalaya Raiisal Wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 120 dal oo heysta ka qeybgalka casuumadda shirkan iyada oo shirkan diirada lagu saaray kobcinta dhaqaalaha Caalamka waxaana lagu gorfeeyay sida loo kordhin karo dhaqaalaha Caalamka loona yareyn karo dhaqaale xumada.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay isbeddel ku sameysay hanaanka Canshuuraha iyo maaliyadda islamarkaana hadda tahay dal dalbanaya in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.