Shacab ka careysan falal amni daro oo Maanta Banaanbax ka dhigay Degmada Kaaraan

0

Shacab ka careysan dilal iyo dhac maalmihii u dambeeyay ka jiray degmada Kaaraan ayaa maanta banaan bax ka dhigay qeybo ka mid ah degmadaas.

Dadweynahan ayaa sheegay inay maalmahan dambe ku soo badatay degmada Kaaraan dilal, dhac iyo isbaarooyin ay dhigtaan maleeshiyooyin hubeysan.

Dadka banaan baxayay ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah maamulka degmada oo ay ku dhaliileen inuu waxba ka qaban waayay amni darada ka jirta degmada.

Mid ka mid ah dadka dibad baxayay ayaa sheegay in dhaca iyo dilka loo geysto dadka rayidka ay u dheer tahay iska hor imaadyada dhex mara ciidamada dhexdooda.

Illaa labo ruux oo rayid ah ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay lagu dilay xaafado ka tirsan Kaaraan, kuwaasoo lacago ay wataan iyo mobilka.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa markii dambe kala eryay dadkii dibad baxa ka dhigayay degmada Kaaraan.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii ciidamo ku labisnaa dareyska lagu yaqaano ciidanka milateriga isku rasaaseeyeen Suuqa degmada Kaaraan, waxaa ku geeriyootay qof haweeney ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.