Puntland oo sheegtay in ay dad u qabatay dilka Taliyihii Booliska Galdogob

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen askar ka dambeysay dilka Taliyihii Booliska Degaanka Galdogob ee Maamulka Puntland.

Gaashaanlle C/Xamiid Warsame ayaa xalay lagu dilay degaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug,halkaas oo Ciidamo ka mid ah Booliska Puntland ay ku toogteen.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in ragga dilka geystay gacanta lagu soo dhigay sharcigana lagu wareejinayo si loo waafajiyo caddaaladda.

Waxaa uu Khaliif ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta loo dilay Taliyaha,isaga oo ku gaabsaday in uu socdo baaritaan ay waddo laanta dambi baarista ee Puntland Raggaasna Maxkamad la geynayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.