Magaalada Baraawe Oo Loo Dhisaayo Gole Deegaan

0

Magaalada Baraawe waa Caasimadda Maamulka Koofur Galbeed, inkastoo aanan ku shaqeyn mudada uu Maamulkaasi jiro waxayna ku jirtaa Gacanta Ciidamada Dowladda.

Caasimadda KMG ah ee Koofur Galbeed ayaa iyane ka soconaya kulamo iyo wadashiyo loogu dhisayo Gole Deegaan si bulshada kunool Magaaladaasi uu u gaaro Maamulka.

Gudoomiyaha Magaalada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ayaa sheegay in howlaha lagu dhisayo Golaha Deegaanka Magaalada uu kasoo bilawday Kulamo lala yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka kulamada waxa uu ku tilmaamay in ay tahay rayi uruurinta iyo sida ugu fudud uu u taaba geli karo Gole Deegaan oo laga yigleelo Caasimadda Koofur Galbeed.

Deegaanada kale ee Maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay in ay ka socoto howlaha lagu dhisayo Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Koofur Galeed iyaguna ay qeyb yihiin sida uu hadalka u dhigay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.