Dowladda Soomaaliya oo qarka u saaran inay lumiso xilka Xoghayaha Guud ee IGAD

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay arrimo dhaqaale darteed u lumiso xilka sare ee Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Soomaaliya aanay bixin lacag dhan Hal Milyan oo dollar, taas oo ka mid ah shuruudaha lagu qaban karo xilka Xoghayaha Guud.

Uganda ayaa la sheegay inay bixisay lacagta, si ay sare ugu qaado fursadaha ay ugu guuleysan karto xilka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda C/salaan Cumar Hadliye ayaa ahaa Musharaxa Soomaaliya ee loo waday xilka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD ayaa Sabtida soo socota ku kulmi doona magaalada Addis Ababa, si ay uga doodaan cida noqon doona Xogahayaha Guud ee xiga, hase ahaatee Madaxweynayaasha IGAD ayaa gaari doona go’aanka kama dambeys ah.

Soomaaliya oo ka mid aheyd aas aasayaasha IGAD ayaa marna qaban hoggaanka IGAD, waxaana dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh ay ku guuldareysatay isku day ay dooneysay in jagada Xoghayaha Guud ee IGAD loo magacaabo Xasan Cali Kheyre oo xilligan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.