Ciidamo ka tirsan dowladda oo dagaal ku dhex maray Muqdisho

0

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa ku yaalla degmada Kaaraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan oo ku labisnaa dharka ciidamada ayaa isku rasaaseeyay gudaha Suuqa Kaaraan, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu salka ku haayo iska hor imaadka.

Inta la og yahay qof dumar ah oo ka mid ah dadka ganacsiga ku leh Suuqa degmada Kaaraan ayaa ku geeriyootay.

Ciidamadii ku dagaalamay goobta ayaa markii dambe ka kala tagay, iyadoo aanay cidna dhex gelin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Booliska ay gaareen goobta iska hor imaadka ka dhacay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay iska hor imaadyada dhex mara Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana shalay ay ugu dambeysay degmada Howl wadaag isku rasaaseeyay labo ciidan.

Kala shakiga iyo muranada dhex mara ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa sababa dagaalada dhex mara, mana jirto illaa iyo hada xal laga gaaray.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.