Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saakay Xiran intooda Badan

0

waxaaa sakay ilaa xalay guud ahaan xiran wadooyinka waaween ee magaalada muqdisho iyadoo dadka shacabka ah sakay eey lugahooda maalayaan.

waxaana lagu arkayaa iskoosyada magaalada muqdisho ciidan aad u fara badan oo iskoos walba taagan saaka.

arintaan ayaa loo aaneynaa isbadalka kuyimid hugaanka gobolka banaadir kadib markii sakay soo baxday wareegto xilkii looga qaaday gudoomiyihii gobolka banaadir ahaana duqii muqdisho Taabit cabdi.

waxaana sakay magaalada kajiro dhiilo siyaasadeed oo aad u weyn oo laxariirta xil kaqaadistii lagu sameeyay gudoomihii gobolka banadir waxaana magaalada kajiro cabsi aad u weyn.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.