Thaabit “Xilka waan wareejinaa, balse Xayiraadda halaga qaado Xarunta Dowladda Hoose”

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo Warbaahinta Goordhaw la hadlay ayaa sheegay in uu Xilka ku wareejinayo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Injineer Yariisow oo Saakay loo Magacaabay.

Thaabit ayaa dalbaday in go’doominta laga saaro Xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in guddi loo xilsaari doono xil wareejintiisa iyo howlaha la socda.

Shacabka ayuu ka dalbaday in ay is dajiyeen, isla markaana waxwaliba ay ku dhamaanayaan Xal nabadeed, waxa uuna u mahad celiyey Xubnihii lasoo shaqeeyey intuu ahaa gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Taabit waxa uu u sababeeyay Xil ka qaadistiisa labo Qodob oo kala ah Amniga iyo Aayaha Muqdisho, isagoo tan Amniga ku sheegay inay isla fahmi waayeey Madaxda Qaranka tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday, halka Masiirka Muqdishana lagu colaadiyay.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka Taabit

Warsaxaafadeed 2
Warsaxaafadeed 2
Warsaxaafadeed 3
Warsaxaafadeed 3

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.