Nabadoon Geedi Shadoor Ha isla Joogaan Farmaajo Khayre iyo Thaabit Ama Ha isla Baxaan

0

Boqor Cabdullahi Geeddi Shadoor oo xalay ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha Muqdisho islamarkaana looga hadlayay maqaamka Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Raiisalwasaaraha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay markii hore isla imaadeen ayna tahay in ay wada joogaan ama wada baxaan sida uu yiri.

Hadalkan waxaa uu ku soo beegmay iyada oo Magaalada ay ku jirto hadal heynta ah in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed uu xilka qaadis ku sameynayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku haya shirka wadatashiga Muqdisho oo uu duqa Muqdisho dhowr jeer ka dhawaajiyaykaas oo 8ddii Bishan dib u dhacay haddana qorsheysan 28ka Bishan.

Odayaasha ayaa Madaxda ugu sarreysa dalka uga digay in ay ku fududaadaan xilka qaadista Thaabid waxaan aay xuseen in aysan Beeshu yeeleyn in Thaabit kaligii laga saaro xilka uu hayo.

Maqaamka Muqdisho ayuu sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka ay ka soo horjeedaan in meel la saaro iyada oo shirka uu Duqa Muqdisho shaaciyay laga leeyahay in meel la isla dhigo maqaamka Caasimadda Dalka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.