Labo Diyaaradood oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho oo isku dhacay (Sawirro)

0

Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ah kuwa yar ay isku dhaceen.

Shilka labadan diyaaradood ayaa yimid, kaddib markii diyaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ay ku dhacday diyaarad kale oo kuwa shacabka raacaan oo ku sugneyd garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan meel ku dhow Terminalki hore looga soo guuray.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada shilka gashay ay dooneysay inay meel Parking ah gasho, waxaana ay halkaas ugu dagtay diyaarad kale oo xilligaas taagneyd.

Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya in baal ka mid ah baalasha diyaarada ku duusho uu soo gaaray burbur.

Diyaarada meesha taalay ee baalka uu ka bur buray ayaa waxaa leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha ah , xilligaasina waxa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.