Inta badan waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo banaan baxyo laga cabsi qabo inay dhacaan

0

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo ciidamo fara badan la soo dhoobay, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in banaan bax uu ka dhici rabo magaalada.

Waddooyin dhowr ah ayaa la xiray oo ay ka mid yihiin qeybo ka mid ah Maka Al-Mukarama, qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, halkaasoo ah goobo ay inta badan ay banaan baxyada ka soo bilowdaan

Ciidamo kala duwan oo ah kuwa ka hortaga rabshadaha ayaa goor dhow lagu arkay Fagaaraha Daljirka Dahsoon iyo qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Ciidamada ayaa dadka ka celinaya Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiin, Siinaay, Falorensa, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, KPP iyo Tarabuunka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in degmooyinka qaar uu ka socdo abaabulka banaan bax lagu dalbanayo xuquuqda gobolka banaadir iyo xaalada siyaasadeed ee ku soo korortay magaalada Muqdisho, kaddib markii Guddoomiye Taabid uu soo fuulay culeys.

Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muqdisho ayaa difaacay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo walaac ka muujiyay warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo ka hadleysay ilaalinta Hantida Qaranka, iyadoo Odayaasha ay sheegeen in hantida qaranka aanay aheyn mid ku kooban Muqdisho kaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.